14-MAY-2020

Photo credit MOHAMED ABDIWAHAB/AFP via Getty Images

Photo credit MOHAMED ABDIWAHAB/AFP via Getty Images

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 24 qof in ka badan  283,000 oo kalena waa ku guryo beeleen kadib fatahaadihii ugu dambeeyay dalka Soomaaliya.

Bariintaanku waxa uu sheegayaa in 28 dagmo ay ku barakaceen dad ka badan 701,000 Geeska Africa,sida ay ku warantay hay,adda qaramadda midoobay ee United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) ee Soomaaliya.

Qoraalkaa waxaa lagu sheegay in halka ugu darani ay tahay maamulada Hirshabelle, Jubaland and South West(Koonfur-Galbeed) oo 88 boqolkiiba ay dhibaatooyinku ka dhaceen.

Sida laga soo xigtay hay,adda OCHA waxaa sababay fataahadaha biyo qulqulaya oo uu keenay roobabka GU,a oo si lixaadleh uga da,ayay maalmahaan dhamaan Bariga Afrika.


You may also like