21-MAY-2020

Midowga xisbiyada mucaaradka oo  sheegay in ay ciidanka Ethiopia ee aan qaybta ka ahayn African Union Somali Mission (AMISOM) waxaan u aragnaa ciidan dalka kusoo duulay.

Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen National Parties Forum,Wadajir Party, Hiigsi Coalition iyo 1 July Exchange Alliance, ayay ku xuseen in ciidanka Ethiopia ee gudaha Soomaaliya ay kaga sii dareen xagga amaanka dalka,farahana kula jiraan arimaha gudaha Soomaaliya.

Waxay kaloo xisbiyadu sheegeen in 4tii bishan MAY 2020 ciidanka Ethiopia kusoo rideen diyaarad gudaha dalka,iyo in ay ku daabuleen quwad iyo hub aad u badan Jubaland.

Waxay kaloo ku eedeeyeen in ciidanka Ethiopia ay qorshaynayaa in ay soo faragaliyaan doorashooyinka baarlamaanka iyo tan madax-weynaha dalka Soomaaliya.

ciidankii Ethiopia ee joogay dalka sanadihii 2007-2008 waxaay dileen kumanaan Soomaali ah.

Waxay kaloo ku baaqqen in uu xilka iska wareejiyo Francisco Madeira oo ah wakiilka qaaska ah ee AMISOM, maadaama uu shaqadiisa kasoo bixi waayay.

National Parties Forum oo ah midowga xisbiyada oo ka kooban 6 xisbi waxaa ka mid ah ragga ugu cad-cad madax-weynashii hore ee dalka Soomaaliya, Sheriff Sheikh Ahmed iyo Hasan Sheikh Mahmud.

2. RUNSHEEGNEWS.COM on Twitter


You may also like