30-MAY-2020

MUQDISHO-Diyaarada Daallo Airlines oo waday 132 Soomali ah ayaa kasoo dagatey garoonka magaalada Muqdisho ee ADEN ADDE TERNATIONAL AIRPORT caawa fiidkii.

Dadkaas oo u badnaa haween iyo caruur ayaa sida la sheegay waqti aad dheer ku xayirnaa dalkaasi ugu danbayntii dowladda Soomaaliya ayaa u dirtay diyaarad si halkaa looga soo qaado.

Dowladda ayaa xustay in muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku xaniban dalalka caalamka in ay u diri doonaan diyaarado kusoo celiya dalkooda hooyo.

Waan u mahad celinayaa dowlada Soomaaliya oo u jawaabtay shacabkeeda ku xayirnaa dalka Sacuudiga,waxayna na tusaysaa guul iyo ka dhabayn in dadka shacabka ah wanaagooda laga shaqeeyo sidaa waxaa yiri"Hon. Abdirizak Dahir @DahirHon oo ah xildhibaan ka tirsan goloha shacabka.  

Abdi Rashid Nur on Twitter


You may also like