21-June-2020

Ciidanka amaanka dalka Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in saddex ruux dhinteen saddex kalena dhaawac yihiin kadib markii nin ku hubaysan tooreey ama mindi uu geystay falkaas.

Illaa iyo 12 toban ruux ayaa wax soo gareen hasse ahaatee 3 ka mid ayaa u dhintay dhaawac.

Sawir muuqaal ah oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa la ar-kayay dad badan oo dhiig ka qubanayo oo dhulka jiifa iyo ar-gagax.

Qof 25 jir ah ayaa ciidanka amaanka magaalada Reading oo ah goobta uu falku ka dhacay u xireen dhacdada.

Waxaa loo malaynayaa qofka geystay dhibka in uu kasoo jeedo dalka Libya,waxaa lagu tilmaamay in ay tahay dhacdo ar-gaxiso.


You may also like