30-MAY-2020

Dr Fawziya Abikar

Dr Fawziya Abikar

MUQDISHO:Wasiirada wasaarada caafimaadka Soomaaliya Dr Fawziya Abikar ayaa sheegtay in 88 qof oo hor-leh laga helay xanuunka Covid 19,taas oo ka dhigaysa tirada guud  dadka caabuqa coronavirus qaba 1,916.

Live daily update: Somalia Covid-19

Dr Fawziya Abikar waxay intaa ku dartay in 17 bukaan ka boqsoodeen cudurka Covid-19,sidaa darteed dadka xanuunka ka caafimaaday waxay gaaraan  327 qof.

Hal ruux ayaa u geeriyooday xanuunka 48dii saacadood ee u danbeeyay, tirada guud ee dhimashaduna waa 73 ruux.

Xafiiska qaramada midoobay ee UN ayaa sheegtay in xanuunka Covid-19 ay Soomaaliya u dheer yihiin fatahaado iyo ayax xaalufiyay beerihii dalaga iyo dhirtii.

Dowlada Soomaaliya ayaa xirtay/xanibtay goobaha waxbarashada,safarada dalka iyo dibada iyo kulanka dadka badan si loo xakameeyo faafida cudurka Covid-19.

 


You may also like