BALCAD,SOMALIA

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya meydadka dhalinyaro lasoo dhigay Gololey oo hoos timaada degmada balcad.

waxaa lagu sheegay 8 marna 9 dhalinyaro ah oo sida la sheegay laga qafaashay shalay goob caafimaad oo ay shaqo u joogeen degaanka Gololey.

Illaa iyo hada ma jirto koox ama cid sheegatay afduubka iyo dilka dhalinyarada,dilka noocaan oo kale ah waa markii ugu horaysay ee uu dhaco.

Dadka deegaanka iyo tuulooyinka ku dhow dhow ayaa walaac ka muujiyay falkaan foosha xun ee ugubka ku ah deegaanka Gololey.

Tuulada Gololey waxay qiyaas ahaan u jirtaa 7 kiilomitir degmada Balcad ee gobolka  Shabeellaha dhexe.


You may also like