Earthquake

Dhul-gariir xoogan ayaa wax uu ka dhacay koonfurta dalka mexico,Illaa iyo hada waxaa ku dhintay 5 ruux.

Magaalo xeebeedka Huatulco ayaa waxaa soo gaaray qasaaraha ugu badan,dhulka ayaa mar-qudha gariiray,waxaa la arkayay dad badan oo isugu soo baxay jidadka.

Marka la eego awooda dhul-gariirka waxa uu ahaa mid xoogan 7.4 balse waxyeelada uu gaystay waxay ahayd mid kooban.

Madax-weynaha dalkaasi Mexico Andrés Manuel López Obrador waxa uu saxaafada u sheegay in magaalooyinka xeebta ah ee Huatulco iyo Oaxaca ay guryuhu dumeen.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo gawaarida ciidanka amniga ayaa lagu xidhay sawaxan sii dadka ku dhaqan magaalada Mexico city dadka loogu digo.


You may also like