26-JUNE-2020

Gaalkacyo, 26, June 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka qeyb-galay Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug oo hadda ka socda Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo.

Shirka oo ay ka qeybgalayaan Xubno ka socda Goleyaasha Dowladda ee Puntland iyo Galmudug, Xildhibaano Aqalka Sare ah iyo La-taliyayaal, waxaa looga hadlay Amniga, dib u heshiisiinta, xoojinta siyaasadda, nabadda iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxay wadajir u bogaadiyeen iskaashiga labada dhinac , iyadoo ay jiri doonaan guddiyo kasii shaqeeya qodobada lagu heshiiyey si ficil loogu bedelo .

Shirka iskaashiga Puntland iyo Galmudug ayaa kusoo dhammaaday is afgarad iyo in laga wada shaqeeyo Amniga, dib u heshiisiinta , xoojinta siyaasadda nabadda iyo dhaqaalaha.

Source:Jama Deperani


You may also like