27-MAY-2020

George Floyd 46 jir waxa uuna geeriyooday markii gacmaha laga xiray oo uu jilib madaxa ka saaray askari boolis ah magaalada Minneapolis ee dalka Amerikada Midoowday(USA).

Falkaas oo abuuray caro(cadho) iyo mudaaharaad baahsan kadib markii muqaal laga duubay geerida George Floyd lagu faafiyay baraha bulshada. 

Waxaa shaqo joojin lagu sameeyay afar boolis ah,hay,adda baaritaanka danbiyada ee FBI waxay biloowday baaritaan ku aadan sida wax u dhaceen.

Qoyska Floyd waxay codsadeen in askarta lagu xukumo in ay gaysteen dil.

George Floyd waxa uu ka shaqayn jiray maqaayad kutaal Minneapolis oo loo xiray xanuunka COVID-19 awgii.

Waxa u deganaa xaafada St. Louis Park ee Minneapolis waxaana uu ku geeriyooday Hennepin County Medical Center saacadu markii ay ahayd 9:25 daqiiqo isniintii 25-may-2020.

Mr. Thunstrom oo shaqada geeyay Mr.Floyd ayaa yiri" waan aamini kari waayay wixii indhahaygu arkeen" Mr Floyd waxa uu ahaa shaqsi aan qofna wax ka sheegan waqtigii 5ta sano ahayd ee uu noo shaqaynayay.

Booliska Minneapolis ayaa sheegay in Mr.Floyd uu ka dhago adeegay in la xiro,kadib markii lagu eedeeyay jeeg(cheque) been abuur ah.

Waxaa la maqlayay Mr.Floyd oo leh MA NEEFSAN KARO (I CAN,T BREATHE) hoos ka daawo muqaalka qof goobjooge ah duubay.

'I can't breathe:' Death of unarmed black man George Floyd leads to firing of white police officers


You may also like