20-June-2020

Qaadhi dowlada dhexe ee dalka Maraykanka ayaa u ogolaaday la taliyihii hore ee dhinaca amaanka John Bolton in uu soo ban-dhigi karo buuggiisa muranka dhaliyay ee THE ROOM WHERE IT HAPPENED oo ah buug ka hadlaya wax walba oo ka dhacay aqalka-cad intii uu halkaa ka shaqeynayay Mr John Bolton.

Maamulka Trump ayaa isku dayay in uu hor-istaago soo saarida buugga uu qoray John Bolton,waxa uu maamulku ku dacwoonayay in laga yaabo in wax yaabo badan oo sirta qaranka Maraykanka uu buuggu xanbaarsan yahay.

Go,aanka qaadhi Judge Royce Lamberth waxa uu guul weyn u yahay John Bolton,dacwaddu waxay ku qotontay laba arrimood oo ah in xuquuqda uu John Bolton u lee yahay in uu cabir-kiisa soo bandhigi karo muwaadin ahaan iyo dhinaca kale oo ah in aan wax loo dhimin sirta iyo nabad-galyada Maraykanka.

Qaadhi Judge Royce Lamberth waxaa uu cadeeyay in uu wal-wal ka qabo in John Bolton uu ku qamaaray nabad-galayada qaranka isaga(John) oo ku dhaqaaqay in uu iskii daabacdo buug aan laga an sixin aqalka cad.

Waxaa lagu wadaa in buugga lasoo bandhigo maalinka Talaadada soo socota oo bishu tahay 23-June-2020.

Markii uu go,aanka qaadhi Judge Royce Lamberth soo baxay,madax-weyne Trump waxa uu bartiisa twitter-ka ku sheegay in Mr John bolton jebiyay sharciga oo uu sir qaran buggiisa lagu dabacayo.

Isagaa qaadaya Mas,uuliyadda dhibka weyn ee ka yimaada qoraalkiisa"sidaa ayuu yidhi Donald Trump"

Qareenka John Bolton ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay go,aanka iyo xukunka qaadhiga.  


You may also like