01-june-2020

Kooxda mayalka adag ee Al-Shabaab ayaa goob fagaare ah ku dilay oday 50 jir ah oo lagu soo eedeeyay in uu yahay sixiroole.

Nin u hadlay kooxda ayaa sheegay in maxkamad ay ku qaadeen Abukar Haji Omar uu ku qirtay isticmaalka sixirka,dhib badana uu gaarsiiyay dad shacab ah kadibna lagu riday xukun dil ah.

Shalay galabtii ayaa goob dad badani joogeen magaalada qoryooley lagu toogtay Abukar Haji Omar sida warbaahinta kooxda xag-jirkaa lagu sheegay.


You may also like