15-June-2020

Qoraal lagu dhiiragalinayo dib u heeshiisiinta

Mogadishu –Qoraal goordhow kasoo baxay xafiiska qaramadda midoobay ee UNSOM oo ay wadajir soo saareen beesha caalamka ee taageerta dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay,in ay soo dhaweynayaan baaqii madax-weynaha Soomaaliya mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo uu 14 bishan ugu baaqay dowlad goboleedyada iyo gobolka Banadir shir loo dhan yahay.

Waxaan soo dhaweynaynaa midowgaa iyo dhiira-gelintaa"sidaa ayaa qoraalka lagu xusay"

Waxaan ugu baaqaynaa madaxda Soomaalida in ay ka faa,iidaystaan fursadaan qaaliga ah iyada oo la,eegayo danta dalka,taas oo doorashadu ka mid tahay si loogu faa,iideeyo dadka Soomaaliyeed.

Waxaan kaloo aqoonsanahay dadaalkii wakiilada FGS iyo FMS toos oo aad u sahashay in wada hadalkaan.

Waxaan kaloo ku baaqaynaa midnaan lasoo da,dajiyo oo aan dib loo dhigin,wada fadhiisiga lagu dhawaaqay maanta.

Waan soo dhawayneynaa dadaal kasta iyo wada hadal kasta  oo u dhexeeya madaxda dalka oo lagu gaarayo dib u heshiisiin.

Waxaan kaloo soo dhaweynaynaa in khilaaf kasta lagu xaliyo wada hadal lagana fogaado isku dhac,iyada oo loo wada dhan yahay.

Waxaan rajeynaynaa in horay oo loo socdo iyada oo la eegayo danaha dalka Soomaaliya iyo wada shaqeynta madaxda dalka,loona diyaar garoobo siyaasad loo dhan yahay oo ah hor,umarka dalka Soomaaliya.

Qoraalka waxaa soo wada saaray dalalka iyo hay,addaha hoose

*African Union Mission in Somalia (AMISOM), Belgium, Canada, China, Denmark, Egypt, European Union, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Italy, Ireland, Japan, Kenya, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Turkey,  Uganda, United Kingdom, United States, United Nations.


You may also like