WARKA MAANTA

Gaalkacyo, 27k. Juun, 2020: Shir Madaxeed ay ku kulmeen Dowladaha Puntland iyo Galmudug oo ay kala hoggaaminaayeen Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacayo 26kii - 27kii Juun 2020. Shirku waxa uu qayb ka ahaa xoojinta Iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka si waafaqsan Dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya. 

Shirka waxaa looga hadlay qodobo si guud u taabanaya danaha Soomaaliya, gaar ahaanna kuwa labada Dowladood ee Galmudug iyo Puntland sida: iskaashiga amniga, Nabadaynta, Dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta dhaqaalaha, waxaana ka soo baxay qodobada soo socda: 

1.Shirku wuxuu ugu hambalyeeyey ummadda Soomaaliyeed munaasabadda maalmaha xorriyadda ee 26ka Juun iyo Ida Luulyo ee sanad guurada 60aad. 

2. Madaxweynayaasha labada Dowladood waxay ugu hambalyeynayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, shacabka iyo Dowladdaba sanad guurada 43aad ee maalinta xorriyadda 27da Juun, waxayna dhamaan Illaahay uga baryayaan in uu xuskaan xuskiisa nabad iyo midnimo ku gaarsiiyo. 

3. Labada Dowladood ee Galmudug iyo Puntland waxa ay isla garteen ilaalinta iyo xoojinta midnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta Nidaamka Federaalka ah si waafaqsan Dastuurka ku meel gaarka ah. 

4. Waxaa labada Dowladood ay isku afgarteen in ay iska kaashadaan amniga, xoojiyaana dadaalada nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta Dhaqaalaha. Sidoo kalena ka wada shaqeeyaan sidii deeqaha caalamiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada Soomaaliyeed si isu dheeli tiran. 

5. Labada dowladood waxa ay isla qaateen in ay iska kaashadaan wadashaqaynta hay'adaha amniga, xoojinta ciidamada xasilinta iyo la dagaalanka aragagixisada. 

6. Shirku wuxuu isku raacey in hay'adaha iyo wasaaradaha labada Dowladood ka wada shaqeeyaan hirgalinta qodobada ku xusan war murtiyeedkaan, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib u heshiisiinta iyo horumarinta dhaqaalaha. 

7. Shirka waxaa lagu go'aamiyey in la joogteeyo shirarka iskaashiga Puntland iyo Galmudug si ay uga wada arinsadaan danaha ka dhexeeya labada Dowladood, sidoo kalena talo mideysan ka yeeshaan guud ahaan aragtida siyaasadeed ee Dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka heer Federaal ee 2020/21, kana wada shaqayaan geeddi socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya. 

DHAMMAAD 


You may also like