31-MAY-2020

Ma ogtahay? In gorayadu tahay shimbir cajiib ah oo leh wax yaabo u qaas ah kaligeed oo aan laga helin shinbiraha kale.

Halkii talaabo oo ay qaado  gorayadu waxa uu u dhigmaa 16 talaabo oo tan dadka ah,waxa ayna gaartaa cimri ah 30-40 sano.

Dhinaca kale goroyadu waa shinbir aad u dheereysa waxaa la sheegaa in halkii saac ay jari karto masaafo ah 70km/h.

Gorayada culeyskeedu waa in ka badan 150kg,waxayna badanaa ku nooshahay dhulka cimilada kulul.

Mise ogtahay in ukunta (xab-xab) gorayadu ay tahay tan ugu weyn dunida oo ay halkii mar dhasho 11 ukumood oo midkiiba ka badan yahay 1.5kg

Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd(tahay) dalalka ugu badan ee gorayadu ku nooshahay (Nooleyd).


You may also like