21-MAY-2020

SHAQSIGA LABAAD

Qaaradda Africa waxaa kusoo kordhaya shaqsiyaad qani ah,sanad kasta. Waxaan haddaba halkaan kusoo qaadanaynaa 10-ka shaqsi ee ugu dhaqaalaha badan sanadka 2020 iyo halka dhaqaaluhu kasoo galo.

2.NASSEF SAWIRIS

2.NASSEF SAWIRIS

Hantidda: $8 billion 

Halka uu dhaqaalaha ka helo: Construction, chemicals

Da,diisa: 58

Dalka: Egypt

Degaankiisa: Cairo

Waxbarasho: University of Chicago

NASSEF SAWIRIS waxa uu kasoo jeedaa qoyska ugu taajirsan dalka Masar,walaalkii  Naguib waa bilyanneer,Sawiris waxaa uu sannadkii 2015 labo shirkadood oo waa weyn u kala qaybiyay shirkaddiisii  Orascom Construction Industries. 

OCI iyo Orascom Construction waxa uu hadda maamule ka yahay shirkadda OCI ah tan ugu weyn dunida xagga soo saarka gaaska lagu bacramiyo beeraha oo warshado kuleh Texas iyo Iowa;.

Waxaa shirkadda dhaqqale badan ugu jiraa suuqa  Euronext Amsterdam exchange.

Danka kale Orascom Construction, oo ah shirkad aad u baaxad weyn oo ka shaqaysa naqshadda iyo dhismaha ayaa suuqyadda  Cairo exchange iyo Nasdaq Dubai,ku iibisa dhaqaaleheeda.

Dhaqaale badan ayaa ugu jira Lafarge Holcim iyo Adidas;waxa uu Mr Nassef xubin ka yahay golaha sarre ee shirkadda Adidas.

 MASE OGTAHAY?

Nassef Sawiris oo ka qalin jabiyay jaamacadda University of Chicago in ku deeqay  $24.1 million sanadkii 2019 oo lagu hormarinayo waxbarashadda ardayda dalka Masar.

Waxa uu wax ka leeyahay kooxda kubadda cagta dalka Ingiriiska Aston Villa Football Club.

Waxa uu dhalay afar caruur ah.


HALKAAN KALA SOCO SHAQSIGA SADEXAAD EE AFRICA UGU QANISAN

 


You may also like