SHAQSIGA SADEXAAD
Qaaradda Africa waxaa kusoo kordhaya shaqsiyaad qani ah,sanad kasta. Waxaan haddaba halkaan kusoo qaadanaynaa 10-ka shaqsi ee ugu dhaqaalaha badan sanadka 2020 iyo halka dhaqaaluhu kasoo galo.
3.MIKE ADENUGA

Hantidda: $7.7 billion
Halka uu dhaqaalaha ka helo: Telecom, oil
Da,diisa: 66
Dalka: Nigeria
Degaankiisa: Lagos
Waxbarasho: Pace University, Master of Business
MIKE ADENUGA waa shaqsiga labaad ee ugu qanisan dalka Nigeria,waana qofka sadexaad ee Africa ugu hantidda badan,waxaa uu dhaqaalaha ka sameeyay isgaarsiinta iyo soo saarka saliida kheyriin.
Shirkaddiisa moobaylka gacanta Globacom,waa mida sadexaad ee ugu baaxada weyn dalka Nigeria,waxaana macmiil u ah in ka badan 43 million(milyan) oo ruux.
Shirkaddiisa kale ee Conoil Producing,waxay sadex ceel ku leedahay Niger Delta oo ah halka laga qodo ama laga soo saaro saliida.
Adenuga waxa uu shahaadada ganacsiga MBA ka qaatay jaamacadda Pace University ee kutaal New York.
Waxa uu wax barashada isaga bixin jiray isaga oo wadde ama darawal ka ahaa takaasida (taxi),waxa uu sameeyay milyan-kiisii dollar ee ugu horeeyay isaga oo ah 26 jir.
Waxa uu iibin jiray dharka loo yaqaan LACE oo dumarku xirto ama guryaha lagu qurxiyo iyo waliba sharaabka(cabitaanka) fudud sida liinta,qaraha ama xabuubka,canbaha iyo iwm.
