SHAQSIGA AFRAAD
Qaaradda Africa waxaa kusoo kordhaya shaqsiyaad qani ah,sanad kasta. Waxaan haddaba halkaan kusoo qaadanaynaa 10-ka shaqsi ee ugu dhaqaalaha badan sanadka 2020 iyo halka dhaqaaluhu kasoo galo.
4. NICKY OPPENHEIMER

Hantidda: $7.7 billion
DHalka uu dhaqaalaha ka helo: Diamonds
Da,diisa: 74
Dalka: South Africa
Degaankiisa: Johannesburg
Waxbarasho: Oxford University Christ Church, Master of Arts/Science
NICKY OPPENHEIMER waxa uu dhaqaalaha ka dhaxlay qoyskiisa,40% hantiddii uu dhaxlay ee shirakadda DeBeers waxa uga iibiyay shirkad kale oo dheemanka soo saarta Anglo American adduun gaaraya $5.1 billion sannadkii 2012.
DeBeers waa shirkada ugu weyn adduunka oo dheemanka iibgeysa,sannadkii 2014 ayuu Niky Oppenheimer sameeyay shirkad kale oo la yiraahdo Fireblade Aviation oo xafiiskeedu kuyaal magaalada Johannesburg.
Fireblade Aviation waxaa u shaqeeya sadex diyaaradood iyo labo haylo-kabtar(diyaarad marawexeed) oo ah kuwa qaaska loo kiraysto.
Nicky waxa uu dhul aad u baaxad weyn ku leeyahay (720 square miles) dalalka South Africa, Botswana and Zimbabwe.
MA OGTAHAY?
Oppenheimer in uu lee yahay xerada xayawaanka ee Tswalu Kalahari Reserve oo ah tan ugu weyn dalka South Africa.
