SHAQSIGA KOWBAAD
Qaaradda Africa waxaa kusoo kordhaya shaqsiyaad qani ah,sanad kasta. Waxaan haddaba halkaan kusoo qaadanaynaa 10-ka shaqsi ee ugu dhaqaalaha badan sanadka 2020 iyo halka dhaqaaluhu kasoo galo.
1.ALIKO DANGOTE

Hantidda: $10.1 billion
Halka uu dhaqaalaha ka helo: Cement, sugar
Da,diisa: 62
Dalka: Nigeria
Degaankiisa: Lagos
Waxbarasho: Al-Azhar University, Bachelor of Arts/Science
DANGOTE oo ah ninka ugu qanisan Africa waxa uu aas-aasay oo uu maamule ka hayay shirkad soo saarta shamiintada(sibirka) Dangote Cement,oo ah shirkadda ugu weyn xaga soosaarka sibirka,waxa uu lee yahay saamiga ugu badan shirkadda oo ah 85%.
Dangote cement waxay soo saartaa shamiinto-sibir gaaraya 45.6 million metric tons sannad walba,in ka badan 10 waddan oo Africa ah ayay kutaalaa Dangote cement.
Alike Dangote waxaa kale uu saami ku lee yahay warshado fara badan oo ka shaqeeya wax soo saarka cusbadda(Milixa),sonkorta iyo burka.
Waxaa kale oo uu hadda dhisme ku socdaa Dangote Refinery muddo saddex sano,markii la dhamays-tiro waxa ay noqonaysaa sifeynta saliida mida ugu weyn dunida.
MASE OGTAHAY?
Aliko dangote awoowgii in uu ahaa ganacsadaha ugu weyn ee bariiska iyo shurbadda(mooshaaridda) gobolka KANO oo ah kan labbaad ee ugu weyn dalka Nigeria.
Markii uu yaraa Alike Dangote waxa uu u dhiibi jiray ciyaalka ka yar yar nac-nac si ay u beeciyaan, wixii faa,iiddo ah ee laga helana waa uu keydsan jiray.
Waxa uu dhalay 3 ciyaar ah,1977 ayuu ganasigiisa bilaamay illaa iyo hadda ayuuna ku dhexjiraa.
